Shirkada Somtel oo Macaamiisheeda ku abaalmarisay Hadiyado Qaali ay ku jiraan Baabuur iyo Bajaaj (Sawirro)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Todobaadkii 2aad abaalmarisay Ku dhawaad 1,000 macaamiil kuwaasoo lu guuleystay Hadiyado Qiimo badan.

Macaamiisha shirkada Isgaarsiinta Somtel abaalmarisay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka .

Todobaadka labaad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Firinjeero, TV screens, Ipads,
Dahab iyo waxyaabo badan oo qiimo u leh guuleestayaasha.

Miski C/lahi Cabdi Oo ah Gabadhii Ugu horeysay ee ku guuleysatay bajaaj ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxday markii shirkada Somtel ku wargalisay in ay ku guuleesatay Mooto Bajaaj.

” Aniga Marna Ma filaneynin hadiyad Caynkaan ah inan ku guuleystay waxa ay igu Noqotay La yaaab Marka Leey soo wacay Shirkaduna ii Xaqiijisay Inan bajaaj ku guuleystay, farxad badan ayaana dareemay” ayey tiri Muski.

Waxaa Sidoo kale bajaaj ku guuleystay wiil lagu magacaabo Jamac oo ah Wiil dhalinyaro oo ku nool Degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Mr Maxamed Abukar Aweys oo isna ku guuleystay gasaalad ayaa aad ugu mahad-celiyay shirkadda isgaarsiinta Somtel.

“Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso anigoo aan ku shubasho fara-badan aan sameyn, Waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi Doonaa iticmaalkeyga adeegyada Somtel.”Ayuu yiri.

Hadiyadaha Gaadiidka bajaajka ay Somtel bixisay ayaa waxa ay shaqo abuur U noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed & Qoysaska Danyarta kuwaasoo u baahan garab & hiilo uga timaada ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkadda Somtel Waa Shirkadii ganacsi ugu horeysay ee 10’000 Hadiyadood dib ugu celisa Macaamiisheeda sharafta leh, todobaadkasta maalinta Jimcaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa Guuleystayaasha todobaadkaas.

- Advertisement -