Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ka bilaabatay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe ) ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay doorashada Aqalka Sare ee maanta ka bilaabatay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa hambalyo u diray Senotarada Aqalka Sare ee maanta doorteen Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, waxa uuna xusay in doorashada maanta dhacday meesha ka saartay hubanti la’aantii doorashada laga qabay.

“Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray., waaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in doorashada maanta bilaabatay ay dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, isagoona qeybaha kale ee dhimana u rajeeyay in guul ku qabsoomaan.

 

Related posts

Maxaa laga Faa’iiday 8 Safar Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Tagay Dalalka Khaliijka?

Cabdi Cade

Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ku soo rogay xarumaha Waxbarashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo si adag uga hadashay Duqeymo khasaaro geestay oo Jubbooyinka ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---