Senatarkii labaad ee kamid noqonaya Aqalka sare oo si Fudud Kismaayo loogu doortay

Waxaa goordhaw shaaciyay in doorashada Aqalka sare uu ka tanaasulay Musharax Axmed Maxamed Jaamac oo lagu waday in uu la tartamo Senataror Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag .

Doorashada inta aysan bilaaban ayuu Musharax Axmed Maxamed Jaamac Baarlamaanka Jubbaland hortiisa ku shaaciyay in uu doorashada Aqalka sare ka haray uuna u tanaasulay Musharaxii la tartamayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaana qaab gacan taag ah ugu codeeyay Senataror Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag , waxaana codka siiyay Fartaag 71-Xildhibaan.

Kursigan oo markii horaba la saadaalinayay in uu kusoo bixi doono Senataror Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa u dhacday sidii loo qorsheeyay, waxaana musharaxa tanaasulay wararku sheegayaan in markii horaba malxiis ahaan doorashada usoo galay.

Senataror Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah siyaasiyiinta ugiu saameynta badan Jubbaland ayaa 4-tii sano hore ahaa Senataror, waxa uuna kamid ahaa siyaasiyiinta aad ugu dhaw Axmed Madoobe si weyna uga soo horjeeday Siyaasada Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -