Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada oo maanta oo ciidul fitri ah ka inkaarsaday Shacabka Magaalada Muqdisho

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee ciidul fidriga, shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadaha caalamka ay u dabaaldegayaan ciida ayaa waxaa weli xiran wadooyinka Muqdisho gaar ahaan kuwa muhiimka ah.

Ciidamada amaanka ayaa dib u celinaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo kuwa ay wataan masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha amniga.

Boqolaal ka tirsan shacabka magaalada ayaa maanta cagtooda maalaya si ay u gaaraan xaafadaha qaar ka dib markii ay waayeen gaadiid ay raacaan.

Dadka qaarkood ayaa waxay sheegeen inay dhibaato weyn tahay in maanta oo ah maalinta 1aad ee Ciida in wadooyinka la xiro, isla markaana aysan u suurtagelin inay booqdaan eheladooda si ay ciida ula qeybsadaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa fariimahooda ciidul fitriga ku amaanay ciidamada amniga caasimadda sidii ay u sugeen amniga magaalada Muqdisho, ugana hortageen falalkii qaraxyada ee Al-shabaab.

Muqdisho ayaa maanta ku ciideysa iyadoo isu socodku xadidan yahay, wadooyinka xiran yihiin gudaha magaalada, halka magaalada bannaankeeda ay bandow ku jirto oo aan la soo geli karin in laga baxo mooyee.

Koontaroolka Maslax ee AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa muddo ka badan toddobaad waxaa ku xayiran Gaadiid xamuul iyo rakaab oo ku socday Muqdisho kana yimid gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, halkaasoo ay gaadiidkaasi buux dhaayeen, qaarkoodna badeecadii ay sideen ay ku baaba’day, iyadoo dhinaca Koontaroolka Siinka dheer sidaasoo kale uu u xiran yahay.

Inkastoo wadooyinka oo la xiro ay ka mid noqotay nolol maalmeedka shacabka Muqdisho haddana Waa markii ugu horeysay ee ciidamada dowladu ay xiraan jidadka magaalada Muqdisho maalin ciid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo kahor timid digniina kasoo saartay qorshe DF ay wado

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in nolosha lagu qabtay (Magacyada)

Caydiid Ali

Xogta kulamo Gudoonka labada aqal la qaateen Xildhiban Hodan Xasan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---