Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Shaqada ka eryay Ra’isul Wasaarihiisa sidoo kala kala diray Baarlamaanka

Madaxweynaha dalka Tunuusiya Kais Saied ayaa kala diray Baarlamaanka dalkaasi sidoo kale shaqada ka eryay Ra’isul Wasaarihii Xukuumada Tunuusiya si uu u dejiyo xiisado siyaasadeed iyo banaan baxyo dalkaasi ka socda.

Mudaharaadyo rabshado wata oo ay dhigayeen shacabka dalkaasi oo ka careesan sida dowlada ula tacaashay xanuunka Covid-19 ayaa ku baahay dalka Tunuusiya, waxa ayna shacabka dowlada ku eedeeyeen musuq maasuq iyo wax qabad xumo.

Madaxweyne Kais Saied ayaa si xaalada u dejiyo go’aansaday in uu awooda dalka Tunuusiya la wareego, waxa uuna Madaxweynaha soo saaray wareegto uu ku kala diray Baarlamaanka sidoo kale shaqada uga eryay Ra’isul Wasaaraha.

Dalka Tunuusiya qeybo badan oo kamid ah ayaa waxaa ka bilowday banaan baxyo cusub oo lagu soo dhaweenayo go’aanka Madaxweynaha dalka Tunuusiya uu ku kala diray Baarlamanaka shaqadana uga eryay Ra’isul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta oo caawa shaacisay iney bilatay bishii Ramadaan

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Anita Gbeho (Sawirro)

Cabdi Cade

Duufaan kale oo ku soo fool leh xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---