Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Munaasabada Ciida u diray umadda Soomaaliyeed

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul Fidriga waxa uu u diray Umada Islaamka gaar ahaan Umada Soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan.

“ Ciid wanaagsan ayaa leeyahay Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga inuu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.   

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi ayaa dhanka kale baaq u diray maamulada Somaliland iyo Puntland oo ku dagaalamay Deeganaka Tukaraq, waxa uuna Ugaaska ugu baaqay labadaasi maamul in ay nabada ka shaqeeyaan una turaan shacabka lagu dul dagaalamayo.

‘’Aniga oo ka faa’iideesanaya Munaasabada Ciida waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland in ay nabada ka shaqeeyaan colaadana ka tanaasusaal, Colaad wiil ayaa ku dhinta ee kuma dhasha ee halaga shaqeeyo Nabada’’ Ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugu Dambeyn Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi ayaa ugu baaqay Umada Soomaaliyeed Meel kasta ee Dunida ka joogaan in ay isku duubmaan kana shaqeeyaan Nabad iyo Horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -