Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo ciida awgeed ka farxiyey boqolaal Maxaabiis ku xirneyd xabsiyada Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibada ciidal fidriga awgeed cafis u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus

Wareegtada ayaa waxay u dhigneyd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgaliyey: In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida

awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku

xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida

ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku

lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto Koofi, Cabdul & Saabey

Caydiid Ali

Danjirihii hore ee Maraykanka oo ka hadlay sida Somaliland ku heli karto aqoonsi

Caydiid Ali

Nin ka qeyb qaatay Bur burinta Masjidkii Babri oo hada dhisay 90-Masjid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---