Ganaax lacageed oo laga qaadayo gabdhaha Guurka loo soo bandhigto ee iska diida !

Guurka ayaa inta badan dhax mara wiil iyo gabar is fahma iyo kuwa eheladooda isku dooreen, waxaana hadda soo baxaya dad qasab ka dhigaya in gabadhii ama wiilkii guur loo soo bandhigto uusan diidi karin.

Deegaanka Mangalmé ee waqooyiga-galbeed ee dalka Chad ayaa waxaa ka hirgalay xeer ganaax lacageed looga qaadayo gabdhii guur loo soo bandhigto ee iska diida, waxaa sidoo kale iyana ganaax laga qaadayaa wiilkii isna guurka loo soo bandhigto diida.

Golaha Muslimiinta ee deegaanka Mangalmé ayaana xeerkan ganaaxa looga qaadayo dadka guurka diida soo saaray, waxaana xeerkan kasoo horjeestay oo qeylo dhaan kasoo saaray ururada u dooda xuquuqda haweenka ee dalka Chad .

Gabdhaha kunool deegaanka  ee loo soo bandhigto ayaa haddii ay diido laga rabaa in ay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 23 ilaa 39 doolar, halka wiilkii isna guurka loo soo bandhigto diida laga qaadayo 15-Dollar.

Dalka Chad ayaa la tilmaamaa in uu ku badan yahay guurka ay sida qasabka ah isku guursadaan dad aan is xulan, waxaa sidoo kale dalkaasi ku badan guurka carruurta aan qaangaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -