Muuse Biixi oo boqolaal shacab ah Salaada ciida kula tukaday Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka  ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan ka mid ah shacabka caasimadda Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya.

“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxaa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.” ayuu yiri Biixi

Madaxweynuhu waxa uu shacabka u diray farriin la xidhiidha inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,

“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -