Nin hubeesan oo goordhaw magaalada Muqdisho lagu dilay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin hubeesan, iyagoo sidoo kale la sheegay in ciidamada qabteen rag kale oo la tuhmayo.

Goobjooge ayaa noo sheegay in sadex nin oo la socotay Mooto nuuca Fikon loo yaqaan rasaas lagu furay, waxaana goobtaasi ku dhintay mid kamid ah sadexdaasi nin oo la sheegay in uu biskoolad heestay halka labada kalana gacanta lagu dhigay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ninka la dilay iyo labada nin ee la socotay ay doonayeen in ay dil geestaan , waxaana rasaas ku furay ciidamada amaanka oo ka shakiyay .

Ciidamada amaanka ayaa mudo daqiiqado ah goobta ku hayay ninka hubeesan ay dileen iyo sidoo kale labada nin ee xireen, waxaana wararka an heleyno sheegayaan in raga la qabtay iyo ninka la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dilkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan taalada Daljirka Dahsoon, waxaana la filayaa in laamaha amaanka faah faahino ka bixiyaan dilkan iyo sidoo kale raga kale ee la qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -