DEG DEG: Taliyihii Booliska Baladweyne oo lagu dilay dagaal saldhiga ka dhacay

Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beladweyne laba Xidigle Max’ed Xuseen Max’uud (Duur-jooge) ayaa goordhow ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Magaaladaas.

Iska horimaadka ayaa bilowday markii ciidamada Haramcad iyo booliska Hirshabelle ay isku fara saareen afaafka hore ee saldhiga magaaladaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weli la maqlayo rasaas la isweydaarsanayo isla markaana ay jiraan qasaarooyin kale oo dadka shacabka ah soo gaaray lamana oga illaa hadda sababta kicisay dagaalkan

La soco wixii ku soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -