Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Shuruud adag ku xiray in Cunaqabateynta laga qaado Kuuriyada Waqooyi

Hogaamiyaasha Mareykanka iyo kuuriyada Waqooyi ayaa kulan taariikhi ah ku yeeshay dalka singapore, waxa ayna labada hogaamiye kulankooda kadib kala saxiixdeen heshiisyo qodobo badan ka kooban.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa u tagay Kuuriyada Koonfureed sidii wadamada Japan iyo kuuriyada koonfureed ugu qancin lahaa heshiiska ay taariikhiga ah ay galeen Mareykanka kuuriyada Waqooyi.

Kulan uu Mike Pomoeo la qaatay Wasiirada Arimaha dibada Kuuriyada koonfureed iyo Japan ayuu ugu sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan la gaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.

Dalalka Japan iyo kuuriyada Koonfureed ayaa shaki ka muujinaya sida loo hirgalinayo Heshiiska labada wadan kala saxiixdeen, waxa ayna Wadamadan shaki ka qabaan in Kuuriyada Waqooyi si fudud u bur buriso hubkeeda nukliyeerka.

Dowlada Mareykanka ayaa ku adkeesaneysa in aysan marnaba cunaqabateynta adag ee saaran Kuuriyada Waqooyi laga qaadi doonin ilaa Xukuumada Pyongyang ay ka bur buriso hubkeeda halista badan ee Nukliyeerka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo baareysa Iskuulka Abaarso iyo haweeneyda faafisa diinta Masiixiga

Caydiid Ali

Dhulgariiro kale oo caawa ka dhacay Turkiga & dad hor leh oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal lagu dilay 47 dagaalyahan oo ka dhacay degaanka Yaaq dabayl

Caydiid Ali
Taboola Ads ---