Maxkamada Sare ee dalka oo go’aan cusub ka soo saartay doorashooyinka dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii u horeysay shaaciyey in Maxkamadda Sare ay tahay Marjaca u dambeeya ee ka go’aan gaari kara doorashada Soomaaliy gaar ahaan Kuraasta.

Marka guddiyada doorashooyinka ay soo saaraan go’aano, cidii cabasho ka qabtaa waxay dawcadeeda u soo gudbin kartaa Maxkamada sare ee dalka oo iyana diyaar u ah iney ka gar naqdo cabasho kasta oo loo soo gudbiyo, madaxda dalka iyo kuwa dowlad goboleedyadana awood sharci uma laha iney xadidaan dacwadaha gaaraya Maxkamadaha” ayuu yiri Baashe Axmed Yuusuf.

Waxaa uu intaas ku daray marka la gaaro doorashooyinka go’aan kasta oo ay qaataan Guddiyada Doorashooyinka inay yihiin kuwa ku kooban go’aano maamul oo aysan aheyd go’aan garsoore.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyey Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa hanaanka garsoorka dalka iyo fulinta dacwadaha.

Shirka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaa ka qeybgalay  garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda  Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

- Advertisement -