(Sawirro) Madaxweyne Salvakiir oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somalia

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suddan Salva Kiir Mayardit, ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Cumar Cabdullaahi (Camey).

Safiirka Soomaaliya ee dalka South Sudan Danjire Camey, ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaan uu kaga ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya gaarsiiyey Madaxweynahana Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Koonfurta Suddan, gaar ahaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Koonfurta Sudan ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo halkaas ku heysta shaqooyin kala duwan, haba u badnaadeen ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -