Al-Shabaab oo dib ula wareegay degmada Bacaadweyn & Ciidankii Galmudug oo..

Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa iney dib ula wareegtey gacan ku haynta magaalada Bacaadwayne ee gobolka Mudug saacado ka dib markii ay saaka halkaas qabsadeen ciidanka dawlada iyo kuwa Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab  ay galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen degaanka Bacaad-weyne

Dagaal culus oo labada dhinac dhexmarey ilaa caawo maqribkiina soo gaarey ayaa sababey in ciidanka dawlada iyo kuwa Galmudug ay dib  oga soo baxaan degaanadii ay saaka qabsadeen oo ay ku jirto Bacaadweyn.

“Dagaallo saacado badan qaatay kadib ayay ciidamada wilaayada islaamiga ah ugu suurtagashay in ay dib ula wareegaaan gacan ku haynta degmada Bacaadweyne” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Al-shabaab oo lagu baahiyey baranaha ay kooxdaas ku leedahay internetka.

Al-shabaab ayaa sidoo kale guulo ka sheegatay dagaalo kale oo ay sheegeen iney isla galabta ka dhaceen duleedka degaanka Wisil ee gobolka Mudug, iyagoo xusay iney qabsadeen tuulada Qaycad, ayna ciidamada Galmudug ka gubeen gaadiid dagaal.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay degaanka Bacaad-weyn iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -