Gabar ka dhooftay Muqdisho oo lagala baxay guri ku yaalla Magaalada Jigjiga

Qureysh Abiib Xuseen oo ah gabadh da’ yar ayay booliska dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kala baxeen gurigeeda oo ku yaalla magaalada Jigjiga

Maalmo dhowr ah oo ay ehelkeeda baadigoobayeen ayay booliska deegaanka sheegeen in ay gacanta ku hayaan oo ayna baaritaan ku wadaan.

Qureysh ayaa dhawaan ka timid magaalada Muqdisho, hooyada gabadhan xiran ayaa BBC uga warrantay qaabka gabadheeda loo xiray iyo sida ay ciidamada ula dhaqmeen.

“Habeen saq dhexe ayaa Guriga waxaa noogu soo daatay askar, waan argagaxnay, aniga iyo gabdho aan dhalay baa joognay, ka dibna mid ka mid ah gabdhihii bay xoog ku kaxeysteen, afar beri meel la geeyey iyo cid sheegta waala waayey, ka dib baa rag saraakiil ah waxay noo sheegeen in gabadhaas la hayo, baaritaana uu ku socdo” ayey tiri Nimco Yuusuf oo ah gabadha hooyadeed.

Dhinaca kale, Taliye ku xigeenka booliska dowlad degaanka Soomaalida, G/Sare Cali Cabdi-Jabbaar oo ka hadlay sababta ay booliska gabadhaasi u xireen wuxuu sheegay in fal dambiyeed looga shakiyey baaritaanna uu ku socdo.

“Gabadhaas waxaa gacanta ku haya heyadaha amniga, fal dembiyeed baa looga shakiyey, baaritaan baa ku socda, sharcigaana fasaxaya in qofka hadii laga shakiyo ama fal dembiyeed lagu qabto la xiro, waana la sii deynayaa hadii uu ku cadaan waayo tuhunka laga qabo” ayuu G/Sare Cali Cabdi-Jabbaar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gabadha la xiray lagu tuhmay iney xiriir la leedahay ama ka tirsan tahay Al-Shabaab, inkastoo aaney jirin cadeymo weli la soo bandhigay oo arrintaas muujinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -