Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yaa ku soo baxay Doorashada guddoonka Guddiga xalinta Khilaafaadka Heer Federaal?

Xubnaha  Guddiga xalinta Khilaafaadka Heer Federaal ayaa maanta oo Talaada ah kulankoodii ugu horeeyay oo ka dhacay teendhada Afisiyoone ku doortay gudoomiye cusub.

Kulanka waxa Soo xaadiray 21 xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga.

Xilka  jagada Gudoomiyaha  Guddiga xallinta Khilaafaadka waxa isku soo sharaxay

  1. Cabdulahi Abyan Nuur iyo
  2. Cali Maxamuud Farah (Cali Zeko)

Natiijada Doorashada gudoomiyaha ayaa noqotay in Abdullahi Abyan Nuur uu helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah (Cali Zeko) uu helay 7 cod.

Mudane  Cabdulahi Abyan Nuur ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Guddiga xallinta Khilaafaadka ee Heer Federaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka dhacay duleedka degmada Buulo Burde & Al-shabaab oo..

Caydiid Ali

Weerar ka dhacay qunsuliyada Sweden ku leedahay Magaalada Izmir

Caydiid Ali

Sarkaal Milateri oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---