Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo u dhoofay dalka Nigeria

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay galabta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda Magaalada Abuja ee dalka Nigeria

Safarka Laftagareen ee dalka Nigeria ayaa waxaa lagu xaqiijiyey bogga lagu baahiyo wararka Madaxtooyada Koonfur galbeed, hase wax faahfaahin lagama bixin ujeedada socdaalkiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Ka hor inta uusan ka soo ambabaxin Magaalada Baydhabo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Furay kalfadhiga sadexaad ee Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Somalia oo kormeeray dekeda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo talaabo qaaday ka dib dabkii Suuqa Jowhar

Caydiid Ali

Mareykanka oo baaraya Dokumentiyo sir ah oo baraha bulshada lagu faafiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---