(Sawirro) TPLF oo Makelle ku soo bandhigtay kumanaan Maxaabiis ka tirsan ciidamada Itoobiya

Kumanaan maxaabiis Itoobiyaan ah oo dagaal lagu soo qabtay ayaa lagu soo bandhigay caasimada gobolka Tigray ee Makelle jimcihii.

Dad aad u farabadan ayaa isugu soo baxay jidadka lagu soo bandhigayey maxaabiista kuwaasoo ku faraxsanaa sida loo jebiyey ciidamada dowlada

Qaar badan oo maxaabiista ka mid ah ayaa madaxa foororiyey iyagoo indhahoodu hoos eegayaan Qaarkood oo dhaawac ahaa waxaa lagu waday bareelo, qaarna waxay xirteen faashad dhiig cusub leh

Jabkii degdega ahaa ee ciidamada Itoobiya wuxuu ahaa mid si la yaab leh looga badalay dagaal sokeeye oo sababay barakaca ku dhowaad laba milyan oo qof oo ku dhaqnaa gobolka Tigray, gaajo baahsan iyo warbixinno sheegaya in dadka shacabka ah loogaystay xadgudubyo iyo rabshad galmo ayaa halkaas laga soo sheegayey bilihii la dhaafay

Soo bandhigida Maxaabiista ayaa waxay weji gabax ku tahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo khudbad ka jeediyay talaadadii caasimada Addis Ababa ku sheegay in wararka sheegaya guuldarada ciidamadiisa ay yihiin “been”. Wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, sababo la xiriira arrimo bani’aadamnimo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -