Ciidamada Maraykanka oo duqeymo khasaare geystay ka fuliyey degmada Jilib

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqeymood oo ay shalay ka gaysteen nawaaxiga Magaalada Jlib ee Gobolka Jubba Dhexe ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Milataraiga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayntaasi ay iskaashi kala sameeyeen laguna gacan siinayey dawladda Soomaaliya.

Maraykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan boqolaal askari ayaa wada duqeymo iyo howlgalo gaar ah oo lagu beegsanayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -