Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada oo maanta Xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa manta xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed Hilowle oo 19-kii March ee Sanadkan dil u geestay nin dhalinyaro ah oo u dalxiis tagay xeebta Jaziira xili uu isku dayay in uu ka dhaco moobeel uu watay.

Ciidamada amaanka deegaanka Jaziira ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan gacan ku dhiiglaha ah xili uu isku dayay in uu baxsado, waxa ayna ciidamada kusoo wareejiyeen Hay’adda dambi baarista CID-da oo iyana kusii wareejisay maxkamada ciidamada.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha  oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maxkamada xukun dil ah ku riday Abuukar Macalin Axmed oo ah qisaasta dilkii uu u geestay Axmed Cali Nuur .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay iskuul ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

Caydiid Ali

Madaafiic culus oo Xiligan ku socota Dhuusomareeb xili ay joogaan Farmaajo iyo Madax kale

Cabdi Cade

Joi Biden oo Dambiile dagaal ku tilmaamay Madaxweyne Vladimir Putin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---