Allbanaadir.com
NEWS

Xaalada adag oo saaka mar kale ka aloosan jidadka Muqdisho & shacabka oo qadiyaan taagan

Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa saaka mar kale xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyagoo joojiyey isu socodka gaadiidka.

Ciidamada xiray Wadadda Maka Al-Mukarama qeybo ka mida iyo guud ahaan Wadadda kale ee wadnaha oo ah labada Jid ee ugu mashquulka badan magaalada.

Waxaa wadooyinka la dhigay ciidamo fara badan oo ah kuw amniga ee caasimadda, waxaana laga celinayaa gaadiidka caadiga ah iyo Mootooyinka, iyadoo kaliya loo ogol yahay gaadiidka madaxda iyo shaqaalaha dowladda.

Hay’adaha amniga ayaa weli helayaan digniino ku saabsan inay jiraan weeraro Al-shabaab damacsan tahay iney ka fuliso Magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dadka magaalada Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin jid xirista ciidamada dowladda xilligan oo bisha ramadaan ay gabagabo tahay, isla markaana dadku u diyaargaroobayaan munasabada ciidul fitriga oo dhowr maalmood ay naga xigaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan amar ku bixiyey in ciidamada ay furaan wadooyinka xiran ee amarkaas oo u muuqda inuusan hirgelin, waxaana madaxweynaha ka tan badiyey digniinaha ka soo yeeraya laamaha amaanka ee sheegaya in weeraro lagu hoobto oo ku soo wajahan magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo burburisay shabakado Maaliyadeed, lana wareegtay..

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Iftikhar Ahmed Shahen oo dalka yimid & RW ku xigeenka DF oo..

Caydiid Ali

Gaas & Xaaf oo ku biiray madaxda dowlad goboleedyada ee gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---