Qatar oo la Sheegay in lacag badan ku bixibeyso joojinta Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahu Cosoble ayaa shaaciyay in dowladda Qatar ka shaqeeneyso sidii loo joojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka bilowday gobolo dalka kamid ah.

Cali Cosoble ayaa sheegay in Qatar maamul goboleedyada dalka ka jira ka dhaadhicineyso joojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ,sidoo kale lacag ku bixineyso sidii Madaxweyne Xasan Sheekh Al Shabaab wadahadal ula furi lahaa loona joojin lahaa dagaalka.

”War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida, ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo. Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.” ayuu yiri Cali Cosoble.
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa cadeeyay in Qatar aysan daacad ka aheyn heshiis lala galo Al Shabaab, balse  ay rabto sida uu tilmaamay in sidey u dhan yihiin kooxdaasi ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.
” Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba waa dad sabool ah oo ay baahi kaga caddahay wixii ka doonana laga sameysan karo? Qatar ma waxey moog tahay iney dunida sidii hore isaga dhaw dahay Soomaalidana tahay dad la socda dunida casriga ah loona shidi karin filim dunida hore looga daawaday ” ayuu yiri Cali Cosoble.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xilli gobolada dalka qaarkood ka bilowdeen howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ay hormuud u yihiin dadka deegaanka oo gacan ka helaya dowladda federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -