Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa Belad-weyne ku dilay Gudoomiye Faarax Diir Cabdi Garuun

Guddoomiyihii ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi Garuun ayaa caawa lagu dilay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolkaas.

Marxuumka ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida wararku nagu soo gaarayaan.

Kooxihii dilka geystay ayaa la soo sheegayaa iney baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan DF oo goobta dilku ka dhacay howlgalo baaritaan ah.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha amaanka ayaan weli ka hadlin dilka caawa magaalada Beladweyne loogu geystay Guddoomiyihii ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan Marxuum Faarax Diir Cabdi Garuun.

Al-Shabaab ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay kordhiyey dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan Muqdisho iyo gobolada dalka, isla caawa ayey aheyd markii dil loo geystay Guddoomiyihii waaxda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka horeeyey dil kale oo xalay askari ka tirsan ciidamada DF loogu feystay Isla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo qorsheynaya cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Israa’iil

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---