Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo baxay wadahadal dhexmaray RW Rooble & Madaxda dowlad goboleedyada?

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xussen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay wada hadal qadka Zoom-ka ku yeeshay.

Wadahadalkan oo ahaa kii u horreeyay kaddib heshiiskii doorashada ee 27 May ayey Mas’uuliyiintu kaga wada hadleen dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka

Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu dambeyn isku raacay in maalinta Sabtida soo socota ay shir Muqdisho isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Benaadir.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo qodobo la xiriira doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka qaldan Canshuurta Iibka (VAT) ee ka dhaqan gashay Muqdisho?

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Al Shabaab oo maanta la dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay dhismooyin ay yeelanayaan Saddex Hay’adood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---