Baarlamanka DF oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo muddo badan hor yaalay (Sawirro)

Xildhibaabada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ku ansixiyay hindise-sharciyeedka golaha Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim ayaa hindisahan oggolaatay 137 mudane, waxaa ka aamusay Hal Xildhibaan, iyadoo shan kale ay diideen.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo kulanka goob-joog ka ahayd ayaa Golaha Shacabka ugu mahad-celisay meel marinta hindise sharciyeedkan oo ay sheegtay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay xoojinta bahda caafimaadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxa ay Maanta mudanayaasha Golaha Shacabku aqrinta 2-aad marsiiyeen hindise sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed, kaasoo la filayo in marka laga doodo ka dib ay goluhu cod u qaadaan si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -