Kim Jong-un oo Shaaciyay in Diyaar u yihiin Dagaal ama Wadahadal ay la galaan Mareykanka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu diyaar u yahay wadahadal toos ah uu la galo dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Joe Biden, xili ay horey u istaageen wadahadaladii u dhaxeeyay Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Kim Jong-un  ayaa si cad u sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay xiligan inuu isku diyaariyo wada xaajood uu la galo dowlada Mareykanka hadii taas la waayana diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Mareykanka.

Warbaahinta dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay in Hogaamiye Kim Jong-un  sheegay inay u baahan yihiin  isku diyaarinta iska hor imaad, si loo dhowr sharafta dalka  iyo madaxa bannaanida.

Waxa uu sidoo kale Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi tilmaamay in loo baahan yahay in la damaanad qaado nabad iyo ammaanka Kuuriyada Waqooyi, waxa uuna digniin adag u diray dowlada Mareykanka.

Hadalka kasoo yeeray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaya xili dalkaasi xaalad adag oo dhinaca nolosha ka jirto sidoo kale wax xiriir ah ka dhaxeeyn maamulka Kim Jogn-un iyo maamulka cusub ee Mareykanka uu hogaamiyo Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -