Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis Is-Faham ah oo…

Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka ee loo soo gaabiyo (UAE FIU), Cali Fasal Baa Calaawi, waxay Heshiis Is-Faham (MoUs) kala saxiixdeen Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee Somalia (FRC), Aamina Cali.
 
Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa inay labada Waddan isaga kaashadaan La-dagaalanka Dembiyadda Maaliyadeed, Lacagaha la dhaqo iyo Dhaqaalaha loo xawilo waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisada.
 
Mar uu ka hadlayey Heshiisyada Is-Fahamka ee Imaaraadka la saxiixdeen Somalia iyo Bangaladesh waxa uu Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU) waxa uu ku tilmaamay inay Heshiisyadaasi dib u soo celinayaan dadaallada Imaaraadka si loo fududeeyo Is-dhaafsiga Aqoonta iyo Khibradaha ee Lacagahja la dhaqo, La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Maalgelinta Argagixisada, waa sida uu hadalku u dhigay.
 
Cali Faysal Baa Calaawi waxa kale oo uu muuiyey kalsoonida uu ku qabo Iskaashiga Heshiisyada Is-Afgaradka ee ay la saxixideen Somalia iyo Bangaladesh iyo in habak ugu wanaagsan looga hor tago Dembiyadda Maaliyadeed iyo inay gacan ka geystaan dadaalka Deganaanshaha Ammaanka iyo Nabadda ee Dhaqaalaha Imaaraadka iyo xoointa Xiriirka u dhexeeya Imaaraadka, Somalia iyo Bangaladesh.
 
Dhinaca kale, Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU), Cali Fasal Baa Calaawi waxa uu Heshiis noocaasi ah la saxixiday dhigiisa dalka Bangaladesh, Abu Hena Maxamed Raza Hassan.
W/T Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -