Weerar culus oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan  wararka naga soo gaaraya degaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa caawa  ka dhacay halkaas dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga al-shabaab.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa bilowday ka dib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen bar kontrol oo ciidanka Nabad Sugidda ku leeyihiin degaankaasi.

Hubka noocyadiisa kala duwan yaa la isku adeegsaday dagaalkan oo socday wax ku dhaw saacad.

Labada dhinac ayaa dagaalkaas ka soo gaaray  khasaare kala duwan, inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen rag Shabaab ka tirsanaa ee Saddexda jiho ka soo weeraray degaanka ayna khasaare culus u geysteen.

Ciidanka weerarka lagu soo qaaday ayaa galay feejignaan dheeri ah, waxayna bilaabeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana degan xaalada degaanka Siinka dheer

Al-shabaab ayaa masuuliyada weerarkan sheegatay iyagoo xusay iney askar ka dileen diidamada dowlada qaar kalena ka dhaawaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -