Weerar Gantaal oo dad badan lagu dilay oo ka dhacay magaalada Mari

Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo katirsan dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday gantaalo nuuca balastika ah ku qaaday magaalada Mari oo ay maamulayaan ciidamada daacada u ah dowlada la aqoonsan yahay ee Dalka Yemen.

Gantaal kooxda xuutiyiinta ku rideen magaalada Mari ayaa ku dhacay Kaalin Shidaal oo ku yaalla Xaafadda Rawda ee bartamaha magaalladda, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay gantaalka ku dhacay kaalinta shidaalka ayaa galaaftay nolosha 17-qof oo shacab ah ay ku jirto gabar 5-sano jir aheyd, waxaa duqeyntaasi sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo lagu daaweenayo xarumo caafimaad.

Wasiirka Waraafinta Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaai oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan dadka badan lagu dilay, waxa uuna ku eedeeyay in duqeyntaasi fuliyeen kooxda Xuutiyiinta.

Mucamar Al-Eryaai ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo dowlada Mareykanka in ay ku cambaareeyaan kooxda Xuutiyiinta weerarkan gantaalka loo adeegsaday ay ku laayeen dadka shacabka ah.

Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen ayaa weeraro ku qaada magaalooyinka ay joogaan ciidamada dowlada daacada u ah, waxaana weeradaasi khasaaro uu kasoo gaaraa dad badan oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -