Xog ku aadan Xubnha laga saaray Guddiga Doorashooyinka iyo Hay’addaha ay u badan yihiin

Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u xilsaaray Xaqiijinta Xubnaha muranka iyo cabashada laga keenay ee ku jira Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ayaa xubnaha guddiga ka saaray 34-xubnood.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiyada doorashada iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada ee laga saaray liiska laga cawday ayaan buuxin shuruudaha lagu xulayay magacaabista Guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnahan baarista kadib laga saaray guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ayaa u badnaa saraakiil katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya, shaqaale dowladeed oo qaarkood katirsanaayeen Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah taageerayaasha Farmaajo.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ugu badan ee laga saaray guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka in markii hore laga soo qaray taliska Hay’adad Nabad sugida iyo Villa Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada qaar iyo Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacaabaan xubnaha bedelaya kuwa hada liiska laga saaray ee horey looga gudbiyay cabashada.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’isul Wasaare Rooble u gudbiyay liiska 67-xubnood oo katirsan guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka kuwaa oo musharaxiinta sheegeen in ay yihiin Nabad sugid, shaqaale dowladeed iyo taageerayaasha Farmaajo.

Lama oga in golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay aqbali doonaan in liiska dheer ay gudbiyeen kaliya laga saaray 34-xubnood ayna wali guddiyada dooarshada iyo xalinta khilaafadaka katirsan yihiin xubno kale oo badan ay cabasho ka gudbiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -