Musharax Madaxweyne oo shaaciyay in Guddiyada doorashgada wali ku jiraan NISA

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ayaa shaaciyay in wali guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku jiraan xubno katirsan Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka xili gudiyadii muranka laga keenay qaarkood la saaray.

Guddi uu u xilsaaray baarista xubnaha Midowga Musharaxiinta cabashada kasoo gudbiyeen ayey xalay ku shaaciyeen in liiska laga saaray 24-xubnood oo cabasho laga keenay, kuwaa ay sheegeen guddiga in aysan shuruudaha buuxin.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in aan wado sax ah loo marin tabashadii laga qabay xubnaha guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka uu sheegay in wali ku jiraan xubno katirsan Hay’adda NISA.

Halkan ka akhriso qoraal uu arintan uga hadlay Musharaxa

Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.
 
Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha.
 
Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -