Xildhibaanad Surwaal ay xirneed darteed looga saaray fadhi Baarlamaanka (Sawirro)

Xildhibaanad katirsan baarlamaanka dalka Tanzaaniya ayaa laga saaray fadhi ay lahaayeen Xildhibaanada, kadib markii la sheegay in ay soo xiratay labis aan ku habooneen in lala yimaado xarunta Baarlamaanka.

Mudane katirsan Baarlamaanka Tanzaaniya oo lagu magacaabo Xuseen Amaar ayaa farta ku fiiqay Xildhibaanadan oo xirneed surwaal la sheegay in jirkeeda ku dhignaa, waxaana xiligaa kadib Xildhibaanada lagu amray in fadhiga isaga baxdo.

“Mudane guddoomiye, tusaale ahaan dhankeyga midig waxaa fadhida walaashey oo xiran shaar jaalle ah. Bal eeg surwaalka ay xiran tahay mudane guddoomiye,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Amaar oo hadal ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Tanzaaniya Job Ndugai, ayaa ku amray Xildhibaanad Condester Sichwale in ay xarunta Baarlamaanka ka baxdo ayna soo xirato labis Wanaagsan dibna ugu soo laabato xarunta Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in marar badabn cabasho laga keenay dharka ay soo xirtaan Xildhibaanada dumarka, waxa uuna nidaamiyaasha Baarlamaanka ku amray in aysan u ogolaan in xarunta soo galaan dumarka aan sida wanaagsan u labisneen.

Dhacdadan ayaana hadal heyn badan ka abuurtay gudaha Tanzaaniya, waxaana falkan kulanka looga saaray Xildhibaanad Condester si kulul u cambaareeyay qaar kamid ah haweenka katirsan Baarlamaanka iyaga oona dalbaday raali galin in la siiyo Xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -