Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Facebooka Ashraf Qaani oo la jabsaday iyo Ereyo lagu taageerayo Taliban oo lagu qoray

Barta uu Facebooka ku lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Afganistan Ashraf Qaani ayaa la jabsaday, waxaana bartaasi lagu daabacay qoraalo taageero loogu muujinayo kooxda Taalibaan ee la wareegtay Talada Afganistan.

Madaxweyne hore Ashraf Qaani ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in laga jabsaday gacantiisana aysan ku jirin bartii uu Facebooka ku lahaa, waxa uuna dadka ku wargaliyay in aysan aragtidiisa aheyn waxyaabaha lagu soo qorayo.

Facebooka uu lahaa Madaxweyne Qaani ayaa lagu soo daabacay qoraal ku baaqayay Aqoonsiga iyo in la taageero Maamulka Taalibaan ee la wareegay maamulka Afganistan, waxaa sidoo qoraalka ku jiray in inaan la xayirin Hantida Reer Afganistan.

Madaxweynihii hore ee dalka Afganistan ayaa ku sugan dalka Imaaraadka Carabta oo magan galyo siyaasadeed siiyay, waxaana talaabadan lagu jabsaday Facebooka Qaani kusoo aadeysa xili Taalibaan raadineyso aqoonsi caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/8dE3al_sYGY

Related posts

Wasiir Biixi oo shaaciyey arrin DF ku guuleysatay ka dib deyn cafintii

Caydiid Ali

Sanatarada Aqalka sare oo ka dooday labo qodob oo muhiim ah

Cabdi Cade

(Daawo Video) Dhibane Cabdullaahi Ganeey oo ku dhibaataysnaa degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho oo deeq lacag ah la gaarsiiyay !!

admin
Taboola Ads ---