Xildhibaanada Golaha shacabka oo beri kulan la isugu yeeray iyo ajandaha oo la shaaciyay

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay aan yeelan wax kulan ah ayaa caawa lagu wargaliyay in ay kasoo qeyb galaan kulan beri ka dhacaya xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa.
 
Qoraal kasoo baxay Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay Xildhibaanada in ay kasoo qeyb galaan kulankan oo ajandihiisu yahay ka hadalka cudurka Covid-19
 
”Mudne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 27 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Caabuqa COVID19 Saacadu waa 09:00 subaxnimo” ayaa fariin ahaan loogu diray xildhibaanada golaha shacabka.
 
Kulankan ay beri isugu imaanayaa Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kusoo aadayaa xili ay soo baxayeen warar ku aadan in Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka golaha shacabka wadaan qorshe Xildhibaanada looga dhaa dhicinayo mudo kororsi.
 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -