Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo geystay xasuuq kale oo arxan daro ah

Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka.

Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin.

Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Isra’il duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof.

Dagaalka sagaalka bil socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Related posts

Ma mooddaa in Madaxda Dowladda uu ka muuqdo jil jileec halis gelin kara madaxbanaanida dalka ?

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kheyre oo amar siiyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliska Milatariga

Cabdi Cade

Muuqaal uu Twitterka soo galiyay Madaxweyne Trump oo lagu tilmaamay xadgudub weyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---