Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Per Olsson Fridh oo dalka yimid & RW Rooble oo qaabilay

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Mudane Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan ka ay ku weheliyeen Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Maamumlka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageeradeeda dalkeenna ay la garab taagan yihiin, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda kulanka ku wehelisay ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago shacabka Soomaaliyeed geeddi socodka dimuqradiyadeed iyo dowlad dhiska dalka.

Dhankiisa, Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haddii Abiy doonayo badda maxuu doonayaa Madaxweyne Xasan ?

Cabdi Cade

Hirshabelle oo dib u dhigtay doorashada 2 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka (Sababta)

Caydiid Ali

Qaraxyo lagu bur buriyay dhismayaal kuyaala garoonka Diyaaradaha Buulo Burte (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---