Maxaa looga hadlayaa kulanka caawa u socda Cabdi Xaashi, Deni & Axmed Madoobe?

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa caawa shir xasaasi ah ku leh Airport Hotel, iyagoo ka wada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

Kulankan ayaa yimid ka dib markii uu fashilmay shir ay maanta yeesheen labada garab ee siyaasiyiinta gobolada woqooyi oo ay kala hogaamiyaan Gudoomiyaha aqalka sare iyo RW ku xigeenka dalka

Waxaa la baajiyey sida wararku nagu soo gaarauaan Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, kaddib codsi uga yimid  Puntland iyo Jubbaland oo doonaya iney dhexdhexaadin cusub bilaabaan.

Waxaa laga cabsi qabay in shirkaas jaraa’id uu xiisada cirka geliyo, gaar ahaan haddii ay ka hadli lahaayeen kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi oo markii uu soo dhamaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu shaaciyay inuu is afgarad ku soo dhamaaday hase ahaatee Cabdi Xaashi uu arrintaas beeniyey.

Arrinta xubnaha Somaliland ayaa ka mid ah qodobada ugu adag ee looga doodayo shirka Wadatashiga doorashooyinka ee madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada uga socda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -