Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo ku gacan seyrtay qiimeyn ay dhowaan shaacisay dowlada Soomaaliya

Somaliland ayaa ka soo horjeestay liiska Jaamacado ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay aqoonsantahay oo ay ku jiraan shan Jaamacadood oo ku yaalla Somaliland.

Guddiga tacliinta sare ee Somaliland oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba ka khusaynin qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay inay ku samaysay Jaamacadaha Soomaalida

Ma jiraan Jaamacado Somaliland ku yaalla oo dowlada Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay, waana been abuur wararka arrintaas sheegaya” ayey shirkooda jaraaid ku yiraahdeen guddiga.

“Waxay oran jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, arrintana taas kama duwana Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma” ayay sidoo kale yiraahdeen.

Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay Jaamacado ayaa sheegtay inay ka gudbeen 41 jaamacadood qiimayn ay samaysay, waxaana ku jira shan Jaamacadood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay

Cabdi Cade

Jabhada ONLF oo Jigjiga ka soo saartay go’aan ka farxiyey shacabka taageera

Caydiid Ali

RW Itoobiya oo magacaabay Wasiiru dowleyaal ay ku jiraan xubno Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---