Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wariyaha ayaa sii deyntiisa timid kaddib markii uu dhameestay labo sanno oo xabsi ah oo horey ugu riday maxkamad kutaalla magaalada Hargeysa oo wariyaha ku heshay dambiyo lagu soo eedeeyay.

Cabdimaalik Coldoon oo ah Wariye Samafale ah ayaa marar badan xabsiga la dhigay, hasa ahaatee dhoorkii mar ee horey loo xiray ayaa lasoo deenayay isaga oon xabsiga dhameysan.

Sii deynta Wariye Coldoon ayaa si weyn waxa u soo dhaweeyay wariyaasha ka howlgal deegaanada maamulka Somaliland, waxa sidoo kale soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan oo wariyaha aad uga xumaa xarigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo Su’aallo laga weediiyay xaalada maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhaxe

Cabdi Cade

Axmed Nuskiilo oo lagu toogtay Boosaaso iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

Carro xooggan oo ka dhalatay dil Gabar Soomaaliyeed loogu geestay magaalada Saskatoon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---