Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

RW Itoobiya oo magacaabay Wasiiru dowleyaal ay ku jiraan xubno Soomaali ah

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay afar Wasiiru dowle oo xubno ka noqonaya Golihiisa Wasiirrada cusub.

Wasiiru dowleyaasha la magacaabay ayaa kala ah Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo horumarinta, Eyob Tekalign Tolina, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Nabadda Zeynu Jemal, oo sidoo kalena ah Taliyaha Booliska Federaalka.

Misganu Arga oo ahaa Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Qadar ayaa waxaa isna laga dhigay Wasiiru dowlaha Warshadaha iyo ganacsiga, sidoo kale Prof. C/waasac C/llaahi Badde oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmiga.

C/Waasac  ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn u dhaliil jiray Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida isagoo kaaliye sare ka ah Jaamacadda Adis ababa University.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo Cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Al Shabaab codsi muhiim ahna diray

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Khasaarihii ka dhashay Dabkii Dhuusomareeb iyo Galmudug oo balan qaad sameeyay

Cabdi Cade

Amniga Magaalada Boosaaso oo si weyn loo xoojiyey iyo Madax sare oo ku wajahan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---