Xildhibaanada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay doorashooyinka iyo matalaada Shacabka

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka  Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee labada gole ee Baarlamaanka , waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeenka labaad aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Xildhibaannada golaha shacabka iyo Sanatarrada waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada 1-aad iyo 2-aad ee Cutubka 4-aad oo la xiriira doorashooyinka iyo matalaada Shacabka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa waxa uu sheegay doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah ay sii socon doonto, isagoo sheegay in beri oo talaadada ah uu jiro kulanka Golaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -