Villa Somalia oo ka hadashay War saakay lagu baahiyay Warbaahinta dalka Kenya

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa saakay qoray in uu socdo qorshe la doonayo in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku qeybsadaan lacagta lagu iibiyo saliida iyo gaaska laga soo saaro biyaha badda ee labada dal isku heestaan.

Sida uu qoray Wargeyska The Star  dowlada Qadar ayaa wada dadaalo lagu heshiisiinayo  Soomaaliya iyo Kenya si xal looga gaaro khilaafka badda labada dal u dhaxeeya una qeyb sadaan lacagta kasoo baxda saliida iyo gaaska laga soo saaro biyaha lagu muran sanyahay.

Agaasimaha Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warkan lagu qoray Warbaahinta Kenya ku tilmaamay kuwa aan jirin, waxa uuna xusay in  Kenya markii uu fashilmay damaceedii ahaa in biyaha Soomaalida qaadato hadana la timid qorshe kale.

”Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed.

Dowlada Qadar ayaa dhawaan ku guuleesatay in ay soo celiso xiriirkii diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya kadib dhax dhaxaadin ay labada dal ka sameesay, waxaana la sheegay in Qadar hadana dooneysa in arinta kiiska badda labada dal kawada hadlaan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa marar badan ku cel celisay in aysan wax wada hadal ah ka galeyn kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya , waxa ayna dowlada sheegtay in ay ku kalsoon tahay go’aanka Maxkamada caalamiga ee ICJ ee dacwada la geeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -