Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaan Muhiim ah

Ciidanka Kumandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa saaka Alshabaab kala wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ballaaran oo ay halkaas ka fuliyeen.

Wararka ayaa intaas ku Daraya in ciidanka si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka ka dib markii Al-shabaab ay isaga baxeen markii ay ogaadeen duulaanka ku soo wajahan.

Taliyaha ciidanka lugta Jen. Maxamed Tahliil Geeddi oo horkacaya howlgalka ayaa sheegay iney ciidamadu baaritaano ka wadaan degaanka Gendershe, ayna ka sifeynayaan wax uu ugu yeeray haraadiga Alshabaab.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato, waxaana degaankaas lagu dilay sarkaal ka tirsan CIA-da Maraykanka oo la socday ciidamo Soomaali ah ka dib markii miino ay la kacday gaari ay wateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -