Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayey oo Muqdisho ku soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Rooble ayaa dalka Djibouti uga qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad dib loo doortay.

Rooble ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono dadaalladaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -