Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Ciidamo Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo ku sugnaa ….

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta weerar xoogan waxa ay ku qaadeen ciidamo isugu jira Mareykan iyo Soomaali oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen ciidamada huwanta ah ayaa ka dhacay  deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka Kismaayo , waxaana Al Shabaab weerarkan u adeegsadeen qaraxyo iyo hub kale oo culus.

Dagaal xoogan ayaa dhax maray ciidamada la weeraray iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxaa lasoo sheegayaa in dagaalkaasi ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Al Shabaab ayaa war ay baraha Internetka ku faafisay ku sheegtay in ciidamada huwanta ah weerarkaasi ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, waxa ayna Al Shabaab xuseen in dhaawacyo iyo meydad lagu qaaday diyaarado Helicopter ah.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu qaaday Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya, waxaana weerarkan uu imaanayaa xili ciidamada maamulka Jubbaland howlgalo ka wadeen duleedka Kismaayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare khayre oo hakiyey Mashruuc ku kacaya 112 milyan oo dollar (Sababta)

Caydiid Ali

RW Xamse oo xariga ka jaray adeegga duulista Hawada oo la horumariyey (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---