Lix caruur ah oo ku geeriyootay roobab saacado badan ka da’aya Muqdisho & nawaaxigeeda

Roobab xoogan ayaa xalay saaka ka da’aya magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ah kuwa xiligii gu’ga bilowda sanad kasta marka la soo gaaro bilahan oo kale.

Roobkan oo marna xoogeysanaya marna qaboobaya  ayaa saameyn ku yeeshay socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka laamiga ah iyo xaafadaha khul-khulaya biyo iyo daadad ka sameysmay roobabka da’aya.

Daadad ka dhashay roobabkan ayaa la sheegay iney lix caruur ah oo hal qoys ka soo jeeda ku dileen xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ka dib markii uu soo dumay qeyb ka mid ah gurigii ay ku noolaayeen.

Dhalinyarada degaanka ayaa soo badbaadiyey caruur kale oo isla xaafadaas uu ku qaadeen daadadka roobka oo sidoo kale jaray wadooyin iyo xaafado ka tirsan caasimada.

Waxaa magaalada dul hoganaya daruuro madow oo roob wata kuwaasoo iftiinkii maalmeed bedelay sidii mugdi oo kale, waxaana ka maqlayay onkod xoogan oo roobabkan ay wataan.

Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahan dareemayey kuleyl fara badan oo habeen iyo maalin ah ayaa si weyn ugu farxay roobabkan oo ay sheegeen iney ku diirsadeen ayna dareemayaan jawi macaan iyo neecow.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan heysan hoy wanaagsan oo ay ka dugsadaan roobka iyo qabowga.

Qaar ka mid ah xeryaha barakacyaasha ayaa waxaa la soo sheegayaa iney gudaha u galeen daadad ka soo rogmaday roobka, kuwaasoo qaaday guryo ka sameysan Baco, ulo booc ah iyo cooshado markii horeba aan adkeysi badan u laheyn roobka oo ay ku noolaayeen qoysas u badan haween iyo caruur, taasoo ay dheer tahay duruufo nololeed oo horeyba u heystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -