Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya dil Minnesota loogu geestay Taksiile Soomaali ah

Nin burcad hubeesan ayaa magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka , ku toogtay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay  Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi.

Booliiska Minnesota ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed oo taksiile ahaa la toogtay xili dhac loo geesanayay, waxaana dilka kadib ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen nin dhalinyaro ah oo falkaasi dilka ahaa ka dambeeyay.

 

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dilka Cabdullaahi Maxamed oo 24-sano jir ahaa loo xiray Willie Sparkman oo ah 18-jir, ninkan la xiray ayaana ku eedeesan dil darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn.

Dilalka loo geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka ayaa sii kordhaya, waxaana isbuucii hore magaalada Minneapolis lagu dilay Liibaan Cusman Baqarre oo u shaqeenayay Xawaalada Taaj.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab careysan oo maalintii labaad Rabshado ka dhigaya Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil yar oo 3 cisho ku xaniban Ceel ku yaalla Afghanistan (Dhacdo la mid ah tii Rayaan)

Caydiid Ali

Musharaxiin Digniin kasoo saaray tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---