Madaxweyne Muuse Biixi oo xafiiskiisa ku Qaabilay Kate Foster oo Hargeysa booqatay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska,  u joogts Soomaaliya Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo oo ah safarkii ugu horreeyey maaddaama safiirku cusub yahay.

Ugu horrayn, madaxwweynaha  Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Iyadoo madaxweynuhu safiirka ku soo dhaweeyey dal qaan-gaadhay oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo balse caalamka ka sugaya wixii ay xaq u lahaayeen oo ah ictiraaf buuxa.

Waxaana kulanka lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska , arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan.

Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey.

  • Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL
- Advertisement -