Wafdigii Qatar oo la kulmay Madaxda 3 dowlad goboleed & G/Banaadir (Sawirro)

Wafdigii ka socday dowlada Qatar oo maalintii 3aad ku sugan Muqdisho ayaa maanta kulamo gaar gaar ah ka qaatay madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo maamulka gobolka Banaadir

Madaxda uu la kulmay Ergeyga gaarka ah ee ka socday Dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha  Galmudug  Mudane  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale, Wafdigan ayaa la kulmay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulamadan intii ay socdeen waxay ka wada hadleen dhinacyadan xaaladaha Dalka, arrimaha Doorashooyinka oo muhiimada ay leedahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan

Waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta la dagaallanka waxa loogu yeeray argagixisada iyo sidii dowlada Qatar u kordhin laheyd mashaariicda horumarineed ee ay ka wado Somalia qeybo ka mid ah.

Wafdigan ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yasin, RW Rooble iyo gudoonka labada aqal ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -